DFS oo ka qeyb gashay Shirka Il ma qabatada adkeysiga u leh dawooyinka ee ka socda Cumaan?

Muscat(Halqaran.com) –Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa kulamo doceedyo la qaatay qaar ka mid ah wasiirada dhiggiisa ee ka soo qeyb galay shirka looga hadlayo il-ma-aragtada adkeysiga u leh dawooyinka ee ka socda dalka Cumaan.

Iyada oo lagu guda jiro maalintii labaad ee shirka Caalamiga ah ee ka Tashiga il ma Aragtada adkaysiga u leh dawooyinka kaas oo ka socda magaalada Muscat ee Dalka Cuman ayaa wuxuu Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS uu la qaatay kulamo kala duwan qaar ka mid ah Wasiirada ka qayb galaya shirka ee ka socdey dalalka Caalamka,wasiirada caafimaadka dalalka Cumaan, Sacuudiga,Netharlands, Sweden iyo Bangladesh.

Wasiirka iyo dhammaan wasiirada uu la kulmay ayaa iska waraystay xaalada qeybta Caafimaadka ee dalkeena Soomaaliya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dadaalka dib loogu dhisayo nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya.
Wasiirka iyo Wasiirada kale ee dhiggiisa ah ayaa ku balamay in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo dalalkooda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com