Monday, March 16, 2026
27.2 C
Mogadishu

Ciidamada Malitariga Soomaaliya oo la wareegay degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe

qurax madoobe(Halqaran.com) –Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dib u xureenta degaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey Degaano katirsan gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo bilihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen Xubno katirsan  Dagaalamayasha  Al-Shabaab.

Howlgalka Waxaa hoggaaminayay korneel Maxamuud Nuur Masdile oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ayaa Ciidamada ka sameeyeen degaannada kala ah,, jilable,waraxley, qurax madoobe iyo degaanka  usley oo dhammaantood ka tirsan Goolka Shabeellaha Dhexe.

Korneyl Masdile ayaa sheegay in ay howlgalka Ciidanka ku burburiyeen dhammaan fariisimaha Al-shabaab ku lahayeen degaanadaasi, isla markaana gacanta kusoo dhigeen Sarkaalkii  Al-Shabaab u qaabilsanaa qaadista lacagaha.

Ugu dambeyntii Korneyl Masdile waxaa uu sheegay inay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa ay ka saarayaan degaannada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...