Friday, May 15, 2026
28.9 C
Mogadishu

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo goordhow ka billaabaneysa Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa goordhow Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ka billaaban doonta Doorashada Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya, taasi oo ugu dambeyn Axadda maanta ah oo ku beegan 15-ka May, 2022 loo asteeyay inay qabsoonto.

In ka badan soddon musharax ayaa ku loolamaya doorashadan oo ka dhaceysa Teendhada Afisyooni, waana doorasho ay wax dooranayaan Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Musharraxiinta xilka madaxtinimada ee dalka ayaa illaa goor dambe oo xalay ahayd waxa ay ololahooda doorashada ka wadeen guryaha ay ka degan yihiin magaalada iyo weliba hoteelada ay degan yihiin Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka.

Musharraxiinta ayaa mid kasta waxa uu dadaal badan ku bixiyay, sidii uu ku heli lahaa codka aqlabiyadda ee Xildhibaanada, si uu dalka u hoggaamiyo afarta sano ee soo socota.

Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa adkeeyay ammaanka goobta doorashada iyo weliba midka guud ee Caasimadda Muqdisho.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa Sabtidii sheegay in magaalada lagu soo rogay bandow socon doono illaa 6:00am subaxnimo ee maalinta Isniinta, si ay si naddoon ugu dhacdo Doorashada Madaxweynaha xigga ee Dowladda Federaalka.

Caasimadda Muqdisho iyo deegaanada kale ee Soomaalida ayaa aad waxaa looga hadalhayaa doorashada loogu tartamayo Xafiiska Madaxtooyada ee maanta ka dhaceysa xerada Afisyooni.

Isku soo wada duub, doorashadan ayaa noqonayso tii 3aad oo xiriir ah oo dalka lagu qabto, tan iyo intii doorashooyinka Soomaaliya loo soo wareejiyay in dalka gudahiisa lagu qabto, muddo toban sano laga jooggo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...