Tuesday, May 12, 2026
31.9 C
Mogadishu

Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka sare oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare ee BF Soomaaliya, taasi oo lagu qabay xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni.

Doorashadan oo billaabatay subixii Talaadada maanta ayaa waxaa ku loolamayay illaa 12 (labo iyo toban) musharrax oo u kala tartamayeen Guddoomiyaha Golaha Aqalka oo ay isku soo sharaxeen saddax Senator, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa isku soo sharaxday illaa labo musharax halka Guddoomiye ku xigeenka labaad ay isku soo sharaxeyn illaa todobo musharax.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa markale loo doortay Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo Guddoomiye u ahaa shantii sano ee la soo dhaafay:

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ayaa waxaa ku guuleystay Senator Cali Shacbaan Ibraahim, halka Guddoomiye ku-xigeenka labaad uu ku guuleystay Senator Cabdullaahi Cali Xirsi Timo Cadde.

Doorashada markii ay soo dhammaatay ayaa isla goobta waxaa lagu dhaariyay saddexda Guddoomiye ee maanta la doortay, ayaga oo uu xilka ku wareejiyay Guddoomiyaha KMG Golahaha Aqalka Sare Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab).

Waxaa maalinta berri oo Arbaco ah lagu wadaa in Xerada Ciidamada Cirka ee Afisyooni lagu qabto doorashada guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashadaasi waxaa berri si TOOS ah ugala socon doontaan waraahinta Halqaran News Insha allaah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...