Sunday, January 18, 2026
24.8 C
Mogadishu

Donald Trump oo muujiyay inuu ka qalab arursanayo Aqalka Cad

Washington (Halqaran.com) – Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay  Khamiistii shalay inuu iska tagayo Aqalka Cad haddii Guddiga nidaamka ergada doorashada ay caddeyaan in Joe Biden uu yahay midka ku guulaystay Dorashada dalka Mareykanka Afarta sano soo socda.

Trump ayaa horay u diiday inuu aqbalo guul-daradii ka soo gaartay Doorashadii la qabtay 3-dii Bisha November, isagoo sheegay in doorashada laga shubtay uun marna aqbali doonin in laga guulastay

Arrintan ayaa u eg mid muujinaysa in Trump uu soo dabcay, aqoon sandoonana in laga guulaystay doorashada, islamarkaanan Mr Biden uu yahay madaxweynaha ku guulastay madaxtinimada dalka Mareykanka.

Codbixiyeyaasha nidaamka ergada doorashada ayaa kulmi doonaan bisha soo socota si ay cod rasmi ah uga dhigaan, iyadoo Dimuquraadiga Joe Biden loo dhaarin doono xilka madaxweynenimada 20-ka bisha Janaayo.

Donald Trump iyo taageerayaashiisa ayaa dacwado dhowr ah oo dhanka sharciga ah u gudbiyey doorashada, laakiin badankood waa la diiday.

Ugu dambeyn, waxay aheyd horaantii toddobaadkan, markii uu Donald Trump ogolaaday diyaarinta kala guurka rasmiga ah ee kooxda madaxweynaha la doortay ee Biden inuu bilowdo, kadib dhawr toddobaad oo uu hubaal la’aan ahaa hadda uu oggaalaaday in xilka wareejin doono.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...