Saturday, April 18, 2026
28.5 C
Mogadishu

Donald Trump oo dib ugu noqday ololihiisa doorashada

Florida (Halqaran.com) – Kumanaan ruux ayaa isugu soo baxay magaalada Sanford ee gobolka Florida, wuxuuna ahaa kulankii ugu horeeyay oo qeyb ka ah isu soo bax dadweyne oo Trump ka sameyn doona maalmaha soo socda gobolada sida weyn loogu hardami doono.

Madaxweyne Trump iyo ninka la loolamaya Joe Biden ayaa u kala dheereynaya sidii ay u xaqiijin lahaayeen codadka dadweynaha Mareykanka ka hor sadexa November.

Isniintii Mr Biden waxaa uu ka ololeynayay gobolka Ohio oo ka mid ah gobolada loolanka adag ka taagan yahay xilligan.

Ra’yi aruurinta ayaa tilmaamaysa in Biden oo ka horeeyo Trump 10 dhibcood laakiin kala horeynta gobolada muhiimka ah ayaa ah mid aad la isugu dhow yahay, tusaale ahaan Florida Biden wuxuu ka horeeyaa Trump 3.7 dhibcood, sida laga soo xigtay xarunta Real Clear Politics oo odorasta natiijada doorashooyinka.

Gobolada sida weyn loogu dagaalami doono ayaa waxaa kamid ah Florida oo leh 270 codadka loo yaqaano electoral College oo ah kuwa ciddii heshaa ay ku guuleysan karto Aqalka Cad, hase yeeshee taas oo laguma go’aamin doono.

Madaxweyne Trump ayaa laga heley Covid-19 ku dhowaad 11 maalin ka hor, waxaa la seexiyay isbitaalka Walter Reed Medical Center , Laakiin axaddii dhakhtarkiisa gaarka ah wuxuu sheegay in madaxweyne uusan dadka kale u gudbin doonin xanuunka, sidoo kale isniintii war soo baxay wuxuu sheegayaa in baaritaano dhowr ah oo Trump lagu sameeyay oo noqday mid laga waayay safmarka corona.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...