Sh/Dhexe (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin ka soo baxaya duqeymo xalay saqdii dhexe ay diyaaradaha Mareykanka aan duuliyaha laheyn ka geysteen deegaannka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya, in diyaaraddo joog hoose ku socday ay duqeymo ka geysteen deegaanka oo ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab oo saldhig ku leh, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Jugta Gantaalo dhacaayey ayaa xalay laga maqlayey deegaanka Cali Guduud oo shalay ay ka dhaceen dagaallo xooggan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, Ciidanka deegaanka ee macwiisleyda oo isku dhinac ah iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay duqeynta dhacday, sidoo kale Ciidanka dowladda Federaalka ayaa ku sugan bannaanka masaajid Cali Guduud, iyagoona dib uga soo baxay deegaanka oo gelinkii dambe ee shalay mar u dhawaadeen Ciidamada.
Warar ayaa sheegaya, in khasaaro badan uu ka dhashay dagaaladii shalay dhacay, in kastoo aan rasmi ah loo xaqiijin inta uu la egyahay khasaaraha jira, Ciidanka dowladda oo ay hoggaaminayaan Saraakiil Ciidan iyo Xildhibaano ayaa jooga banaanka deegaanka.
Ugu dambeyn, wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya deegaanno hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya inay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo wadaan Ciidamo halkaas ku sugan, ayna ku doonayaan inay kula wareegaan deegaanka masaajid Cali Guduud oo saldhig weyn ay ku leeyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com