Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa dood ka keenay hanaankii ay maxkamadda ciidamada Soomaaliya u fulisay qisaasta askarigii horay u dilay Taliyihiisa, kaas oo kiiskiisa lagu soo gabagabeeyey muddo todobaad ah.
“Qofkii qof dila in la dilo shareecada Islaamka ayaa qabta, raali baanan ka nahay . Waxaa naga maqan oo aan Dowladda Federaalka Soomaaliya weydiisaneynaa meydka wiilkaas la toogtay si aan u aasanno. Waxa aan xaq u laheyn in naloo sheego in la tooganayo si la mid ah sida ay xaadir u ahaayeen qoyska wax loo qisaasayay, mana dhicin.” Ayuu yiri Xildhibaan Macalimuu qoraal ka soo saaray xukunkaasi lagu fuliyay askari.
Halka hoose ka daawo Wareysiga Xildhibaan Macallimuu:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





