Sunday, June 21, 2026
27.1 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Wasiirkii Galmudug ee XAAF Xilka ka qaaday oo goor-dhow Afka furtay (Maxaa cusub)?

Galmudug (Halqaran.com) – Saacado kadib markii xilka laga qaaday Wasiirkii Galmudug ee dhinaca Qorsheynta ayaa waxaa durba jawaab ka bixiyay Wasiir Cabdikaafi Maxamed Maxamuud.

kadib Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa wuxuu xilka kaga qaaday Wasiirka Qorsheynta ee maamulka.

Wasiirka xilka laga qaaday oo lagu magacaabo Cabdikaafi Maxamed Maxamuud wax auu sheegay in aysan sharci aheyn xilka qaadistaasi.

Axmed Ducaale Xaaf ayuu ku sheegay mid wakhtigiisa dhammaaday uuna xil magacaabi Karin xilna qaadi Karin, isagoo wasiir Cabdikaafi hadalkiisa intaa raaciyey in wasiirka la soo magacaabi doono uu xilka ku wareejinayo.

”Runtii Xaaf aniga iyo isagaba sii-hayayaal ayaan nahay wax xil ahna igama qaadi karo marka warqad xamar laga soo qoray looma baahnee mid Shaqada laga soo qoray ayaa la rabaa, waxaana arrintaasi ka dambeeysa dowladda Nabad iyo nolol gaar ahaan Guddiga shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayuu yiri Cabdi Kaafi Maxamed Maxamuud”. ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa eedeyn kulul u jeeday Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Soomaaliya, kuwaasoo uu sheegay in ay gadaal ka riixayeen xilka qaadista Xaaf uu sheegay in isaga lagu sameeyey.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...