Garowe (Halqaran.com) – Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga ee maamulka Puntland, Mudane Cabdullaahi Cabdi Xarsi oo la hadlay BBC-da ayaa shaaciyay in uu ka dhacay cudurka saf-mareenka ah ee Coronavirus.
Wasiir Cabdullaahi Cabdi Xirsi ayaa sidoo kale bartiisa gaarka ah ee Facebook qoraal uu soo dhigay ku sheegay inuu ku dhacay Covid-19, haddana ay xaaladiisu wanaagsan tahay oo ku jiro katantiil.
“Waxaa igu dhacay Covid19. waana ladanahay hadda. Qandho iyo wareer baa iigu darnaa maalmihii lasoo dhaafay. Waxaan isku xanibay guriga, cidna isma aragno, meelna umma baxo. si aanan dad kale u qaadsiin, waxaan xanibnaan doonaa muddo 14 beri ah insha Allaah” ayuu qoraalka ku yiri Wasiirka Ganacsiga Puntland.
Wasiirka ganacsiga ee Puntland ayaa dadweynaha u soo jeediyey in qofkii uu ku dhaco Coronavirus, uu is karantiilo, si uusan u faafin Cudurka.
“Waxaan soo jeedin lahaa in qofkii xanuunsada uusan gurigiisa dhaafin. Hadii qofkaas Covid-19 ku dhacay caafimaad dareemayo, waxaa jira dad waayeel ah iyo dad xanuuno kale qabay oo aan u adkaysan karin Covid19” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Cabdi Xirsi.
Ugu dambeyn, Tirada uu asiibay Covid-19 ee guud ahaan dalka Soomaaliya laga diiwaan-geliyay ayaa hadda mareysa 1,054 xaaladood, 51 bukaan ayaa u geeriyooday cudurkan, halka ay ka soo bogsoodeen tiro gaareysa 118 qof.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





