
Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed oo Isniintii maanta Suxufiyiinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay arrimo badan oo xilligaan dalka uu maraayo iyo sidoo kale xanibaadii dowladda Federalka Soomaaliya ay ku sameysay safarkii uu ku tagi lahaay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay dhacdadii shalay ku qabsatay Garoonka Aadan Cadde inay tahay arrin lala yaabo, waxaana uu sheegay isaga ahaan inay la tahay wax fudud, balse suuragal ay tahay dowladda Soomaaliya inay sameyso ficilo intaan ka waaweyn haddii shacabka Soomaaliyeed aysan ka tashan aayahooda.
Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay marxaladda hadda dalka uu maraayo in aanan lagu fiirsan Karin, dhanka Dhaqaala, Amniga, hab dhaqanka dowladda Federalka Soomaaliya iyo hanaanka ay wax u wado.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa waxa uu sheegay muddo inuu ka aamusno dowladda Federalka Soomaaliya uuna uga aamusnaa in fursad la siiyo dowladda Federalka Soomaaliya, balse sida hadda dowladda ay u dhaqmayso aysan aheyn wax laga aamusi karo.
Shariif Sheekh Axmed waxa uu sheegay amniga inuu faraha ka baxay oo Magaalada ay tahay mid kala xiran, islamarkaana dhibaatada ay soo gaareyso shacabka Soomaaliyed ee ku nool Magaalada Muqdisho.
“Ruux Mareykanka ka yimid oo 30 sano soo joogay inuu maalin waliba sharciga garab maro arrintaasi mid la aqbali karo ma’ahan ninkii iska fadhiyay ee ilmihiisa iska shaqeysanaayay ee dalka marka la hagaajiyay la yiri soo dhawaaw ee garbaha laga istaagay, maanta inuu i yiraahdo Garoonka kama dhoofi kartid wax laga aqbali karo ma’ahan.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu sugaayay saacadihii la soo dhaafay in dowladda Somaliya raali gelin ay ka bixiso qaladkii ay ku sameysay, balse taasi aysan dhicin.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- DHAGEYSO: Madaxweynihii hore Somaliya Xasan Sheekh ”Hoggaanka DF Somaliya sida ay wax ku wadaan sax maaha”
- DEG DEG + DAAWO MUUQAAL: Somaliland oo Xamar dowlad cusub u dhisaysa & Feysal Cali Waraabe oo Shariif Sheekh Axmed uga tacsiyeeyay falkii uu Farmaajo kula kacay!
- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir oo kabaha la dul-maray madaxda dalka Somaliya, ‘Madaxda Dastuurka ayay ku tumanayaan’!
- XOG: Dowladda Somaliya oo amar ku bixisay in Saddex maalmood aysan wax diyaarado ah ka dagi karin Kismaayo (Ogow Ujeedka)!
- JUBBALAND: DF Somaliya waxay nagu haysaa hanjabaad, cunsurnimo & caburin bulsho
Waxa uu soo hadal qaaday go’aankii Hay’adda Duulista hawada Soomaaliya ay ku mamnuucday diyaaradihii tagi jiray Magaalada Kismaayo oo saddex Maalmood dowladda ay xanibtay, waxaana uu sheegay inuu cambaareynaayo arrintaasi.
Ugu dambeyn, hadalka Shariif Sheekh Axmed ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda Federalka Soomaaliya Axaddii shalay xanibaad ay saartay safar uu ku tagi lahaay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose.
Halka hoose ka dhageyso Shirka Jaraa’id ee Shariif Sheekh Axmed:
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com





