Sunday, June 21, 2026
25 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Safiirka Soomaaliya ee Kenya Tarsan oo si kulul u beeniyay warbixintii uu baahiyay Citizen TV

Nairobi (Halqaran.com) – Telefishinka Citizen ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa waxa uu baahiyay warar sheegaya in safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ay sameyneyso baaritaan sir ah oo cudurka Coronavirus ah.

Telefishinka ayaa sheegay in warqado caddeyn ah uu helay oo ah in safaaradda ay baareyso muwaadiniinta Soomaalida ee ku nool Islii ee doonaya in ay dib ugu noqdaan dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

TV Citizen ayaa wuxuu muujiyay muuqaal lagu sheegay in si qarsoodi ah loo duubay oo tusinaya dad sii galaya dhismo ku yaalla xaafadda Islii ee Nairobi. Sida telefeshinka uu baahiyay dadkaas waxay u socdeen meesha baaritaanka loogu sameynayay, balse lama caddeyn karo sheegashadaas Citizen TV iyo sababta ay dadkaas halkaa u galayeen.

Warqadaha uu telefishinka soo bandhigay waxaa ka muuqda in baaritaanka uu sameeyay sharbaarka Lancet ee Nairobi.

Dawladda Soomaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay warkaasi uu baahiyay Telefeshinka Citizen.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa arrintaas gaashaanka ku dhuftay, isagoo sheegay in aysan sir ahayn in dadku ay iska baaraan cudurka, ayadoo la raacayo tilmaamaha dawladda Kenya, laguna baarayo sheybaar ay dawladdu aqoonsan tahay.

“Marka hore, safaaradda Soomaaliya isbitaal ma lahan, mana jiro isbitaal ay heshiis la geli karto”, ayuu yiri Safiirka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa intaasi raaciyay, “Dowladda Kenya ayaa tilmaamo bixisay waxaana shardi ah in qofkii ka baxaya halka uu caafimaad qabo uusanna qabin coronavirus. Anaku xaq waxaan u leenahay in dadkeena ku xayiran halkan aan daadgureyno, dowladda Kenya iyo anaguna waan isku waafaqnay, dowladdeena Soomaaliyana waan isku raacnay”.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...