Sunday, May 10, 2026
29.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Madaxweynaha Puntland ‘‘Sharci darro ayay aheyd xil ka qaadistii RW Kheyre‘‘!

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ka hadlay xil ka qaadistii uu Golaha Shacabka Soomaaliya ku sameeyey ra’iisul wasaaraha Xasan Cali Kheyre, taasi oo uu ku tilmaamay sharci darro ah.

Saciid Cabdullaahi Deni oo hadda ku sugan magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay in xil ka qaadista Kheyre ay aheyd mid qorsheysneyd oo lagu burburinayay Shirkii Dhuusamareeb iyo shaqadii wanaagsaneyd ee halkaasi lagu qabtay, sida uu hadalka u dhigay.

“Wixii halkaasi ka dhacay waxay aheyd wixii quruxda badnaa ee kasoo baxay Shirkii Dhuusmareeb iyo yididiiladii la qabay ee ahayd in hore loo socdo, wax lagu xagal daacinayo oo la rabo in lagu burburiyo,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland, ayaa sidoo kale ku eedeeyay, Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in uu sameeyay wax ka duwan wixii uu ka sheegy magaalada Dhuusamareeb iyo wixii lagu heshiiyay intuba.

Mr. Deni ayaa hadalkan jeediyay isagoo jawaab ka bixinayay xil ka qaadistii lagu murmay ee ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo uu ku tilmaamay mid sharciga baalmarsan.

Halka hoose ka dhageyso Hadalka Madaxweyne Deni:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...