Tuesday, April 21, 2026
29.6 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Madaxweynaha Puntland: ”Farmaajo wuxuu hareer maray nidaamkii lagu heshiiyay” +Shir Jara’id

Boosaaso (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo Jimcihii maanta shir ja’raaid ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay khilaafka dowladda federalka iyo maamul goboleedyada.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa sheegay in Puntland ay shir wada-tashi arrimaha dowlad dhiska Soomaaliya ah ku qabsan doonto magaalada Garoowe, bartamaha bisha March ee Sanadkan.

Mr. Deni ayaa ku eedeeyey dowladda dhexe ee Soomaaliya “inay faro-gelin xooggan ku hayso” arrimaha maamul goboleedyada.

“Waxbadan ayaa madaxda Dawladda Faderaalka la hadalnay si howsha taagan loo dhammeeyo balse aamuskayaga ayaa waxaa loo qaatay inaan waxa soconaya raali ka ahaano ” ayuu yiri Deni.

Hadalka Madaxweyne Saciid Deni ayaa ku soo aadaya xilli khamiistii shalay ay Puntland howlahii ka joojisay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Halka hoose ka dhageyso Nuxurka Shirka Jaraa’id:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...