Stockholm (Halqaran.com) – Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool dalka Sweden oo horey looga qaatay toddobo caruur ah oo ay dhashay ayaa Arbacadii shaley markale laga qaatay canugii sideedaad, saacado uun kadib markii ay dhashay.
Hooyo Faadumo Buraanburtooy, ayaa gabadha yar markii umushey waxaa kala wareegay mas’uuliyiinta magaalo ay horey u deganeyd oo ay kasoo guurtay.
Sheekh Xuseen Faarax Warsame, oo ka mid ah Culimada Soomaliada ee dalka Sweden ayaa sheegay in horay dhowr Carruur ah looga qaatay degmadii ay degnayed kana soo guurtay, isla shalayna Cunug yar ay Isbitaalka ku dhashay looga qaatay.
Sidoo kale, Sheekh Xuseen ayaa sheegay, Soomaalida ku nool dalka Sweden inay wadaa deddaal ku aadan sidii Hooyo Faadumo Buraanburtooy dib loogu soo celin lahaa carruurteedii laga qaatay.
Sheekh Xuseen oo goob joog ahaa falka qaadashada ilmahan yar ayaa uga warramay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da sida ay wax u dhaceen.
Halka Hoose ka dhageyso Wareysiga Sheekh Xuseen:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





