Wednesday, April 22, 2026
30 C
Mogadishu

DHAGEYSO: DF Soomaaliya oo go’aan cusub oo ka dhan ah COVID-19 ku dhawaaqday

Sheekh Nuur Maxamed Xasan

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in la xirayo Dugsiyada lagu barto Qur’aanka Kariimka si looga hortago Fayraska Corona COVID 19.

Shir Jaraa’id oo uu warbaahinta ugu qabtey magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ay mas’uuliyad ka saarantahay qaadashada kaalinteeda ilaalinta badqabka iyo caafimaadka bulshada.

”Laga bilaabo maalinta berri oo ah Talaado 31.03.2020 waxaan si rasmi ah u xirnay Dugsiyada Barashada Qur’aanka iyo xarumaha Barashada Diinta muddo laba todobaad ah, maadaama caruurtu ay yihiin kuwa ugu nugul qaadidda Cudurka COVID-19”, ayuu yiri Wasiirka

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa horey u xirtey goobaha Waxbarashada, sida Iskuullada iyo Jaamacadaha si looga hortago faafida Cudurka Coronavirus oo Saddex Kiis laga helay Soomaaliya.

Halka hoose ka dhageyso codka Wasiirka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...