Friday, July 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo soo saartay amar ka dhan ah tabinta wararka Al-Shabaab +(VIDEO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah soo saartay amar ka dhan ah  baahinta wararka la xiriira maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Alcadaala.

Wasiir Al-cadaala oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in la mamnuucay baahinta wararka Al-Shabaab, isla markaana wuxuu tilmaamay in nuuc kasta oo war la xiriira Shabaab ee la baahiyo uu yahay fal dembiyeed, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu intaasi raaciyay, wasiirka warfaafinta XF Soomaaliya, in  warbaahin kasta ama goob kasta oo lagu baahiyo Warka Al-Shabaab ay dowladda Federaalka u tahay bartilmaameed, ayna dembi tahay faafinta wararkaas.

“Waxaa la mamnuucay baahinta Wararka Al-Shabaab, talaabooyin ayay qaadday dowladda waxana la beegsan doonaa Warbaahin kasta ama shaqsi kasta oo lagu helo faafinta farriinta Kooxdaas” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee XF Soomaaliya C/raxmaan Al-Cadaala.

Ugu dambeyn, Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladda xirtay 46 barro dhanka Internet-ka oo ay Al-Shabaab u adeegsaneysay faafinta wararkooda, wuxuuna intaas ku daray, inay ku dabajiraan in la xiro baro kale oo ay Website-yo ku jiraan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...