Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah soo saartay amar ka dhan ah baahinta wararka la xiriira maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Alcadaala.
Wasiir Al-cadaala oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in la mamnuucay baahinta wararka Al-Shabaab, isla markaana wuxuu tilmaamay in nuuc kasta oo war la xiriira Shabaab ee la baahiyo uu yahay fal dembiyeed, waa sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu intaasi raaciyay, wasiirka warfaafinta XF Soomaaliya, in warbaahin kasta ama goob kasta oo lagu baahiyo Warka Al-Shabaab ay dowladda Federaalka u tahay bartilmaameed, ayna dembi tahay faafinta wararkaas.
“Waxaa la mamnuucay baahinta Wararka Al-Shabaab, talaabooyin ayay qaadday dowladda waxana la beegsan doonaa Warbaahin kasta ama shaqsi kasta oo lagu helo faafinta farriinta Kooxdaas” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee XF Soomaaliya C/raxmaan Al-Cadaala.
Ugu dambeyn, Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladda xirtay 46 barro dhanka Internet-ka oo ay Al-Shabaab u adeegsaneysay faafinta wararkooda, wuxuuna intaas ku daray, inay ku dabajiraan in la xiro baro kale oo ay Website-yo ku jiraan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com