Tuesday, October 28, 2025
25.4 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo shaacisay inay dhameystiri doonto ‘Xeerarka Shidaal baarista’

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Dr. H.E. Abdirizak Omar Mohamed ayaa Talaadada maanta ka qaybgalay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul-Wanaagga Maaliyadda (FGC) oo looga hadlay horumarada laga gaaray arrimaha batroolka iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka  dalkeenna si waafaqsan sharciga.

Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta XFS ayaa ka qaybgalayaasha shirka la wadaagay in wasaaradda Batroolka iyo macdanta ay soo dhamaystiri doonto xeerarka hortabinta u leh soo saarka shidaalka.

Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta XFS shirka uu ka sheegay in la dedejiyo ansixinta sharciga canshuuraha ee kheyraadka ku jira dhulka hoostiisa oo ay soo diyaariyeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

Ansixinta Sharcigan waxuu ka mid yahay sharuudaha ku xiran dhamaystirka dayn cafinta.

Waxaa sidoo kale, shirka goobjoog ahaa  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Maxamad Xaashi Carabeey.

Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Dr. H.E. Abdirizak Omar Mohamed ayaa u mahadceliyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ahaa shir-guddoonka iyo dhammaan ka soo qayb galayaasha kale sida Bangiga Adduunka , IMF, Bangiga dhexe ee Soomaaliya, iyo Labada Xafiis ee Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...