Thursday, April 30, 2026
30.9 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo magaalada Muqdisho ka furtay Shir dib u heshiisiin ah

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta oo horay u diyaarisay Hanaanka dhab u heshiinta qaran kalana tashatay guud ahaan dowlad goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banadir ayaaa bilaabaysa wajigii labaad ee ah Daadajinta Hanaanka oo la doonayo in lugu gaarsiiyo ilaa heer degmo.

Daadajintan ayaa ujeedkeedu yahay in dhamaan dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka banaadir ay yeeshaan hanaan dhab u heshiin u gaar ah kaas oo waafaqsan kana turjamaya Hanaanka Qaran ee Dhab u heshiinta Soomaaliyeed.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa ka caawinaysa dhamaan dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka iyo gobolka banaadir sidii ay u dajin lahaayeen hanaanka dhab u heshiinta heer dowlad goboleed.

Kulanka Soo-bandhigidda Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran (HDQ) iyo Dejinta Qorshaha Dhab-u-heshiinta Gobolka Banaadir ayaa u jeed kiisu yahay sidii wasaaradda arrimaha, federalka iyo dib u heshiinta uga caawin lahayd Maamulka gobolka banaadir dajinta hanaanka dhab u heshiinta.

Kulankan oo muhiimad gaar ah u leh maamulka gobolka banaadir ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan qeybaha kala duwan ee gobolka banaandir oo ay ka mid yihiin maamulada degmooyinka gobolka banaadir ku waas oo uu hanaankani sida tooska ah u saamyn doono.

Kulankan oo socon doono mudo laba maalin ah ayaa lagu soo bandhigi doonaa hanaankii loo maray diyaarinta Hanaanka Qaran ee dhab u heshiint ayadoona la doonaya in maamulka gobolka banaadir uu ka qaato waayo aragnimo iyo qib rad ku aadan sidii uu u diyaarin lahaa hanaanka dhab u heshiinta Gobolka Banaadir kaas oo waafaqsan Hanaanka qaran ee Dhab u heshiinta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...