Wednesday, April 22, 2026
28.6 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo Garoonka Aadan Cadde ku gubtay Qaad si qarsoodi ah loo soo geliyay +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Talaadadii maanta gubtay jaad laga soo dajiyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, xilli dowladda Federalka ay fasaxday laba cisho oo si KMG ah u soo dagayaan duulimaadyada dalka.

Qaadkaan ayaa la sheegay in lagu soo dhex qariyay duulimaadka, balse waxaa gacanta ku dhigay Ciidamada ammaanka dowladda ee ka shaqeeya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wasiirka Gadiidka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay gubeen Jaad si qaldan loo soo geliyey Dalka.

Mr. Oomaar ayaa xusay in jaadkan la isku dayey in lagu soo dhax qariyo Fasixii duulimaadka labada maalin ahaa ee loo sameeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa qaar kamid ah garoomada Caalamka.

Waxa uu sheegay Ciidamada ammaanka ee gacanta ku dhigay qaadkaan inuu kaga mahadcelinaayo tallaabada ay ku qabteen, maadaama kaliya la fasaxay duulimaadyada dadkii Garoomada caalamka ku xanibnaa, balse jaadka aan la fasixin.

DF Soomaaliya ayaa muddo 15 cisho ah hakisay dhammaan duulimaadyada iyo qaadkii laga keeni jiray dalka Kenya si looga hortago cudurka Coronavirus.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...