Saturday, May 9, 2026
27.8 C
Mogadishu

DF Somaliya oo soo dhaweysay qaraarka ka soo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka

Niamey (Halqaran.com) – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Balal Maxamed Cusman, ayaa hoggaamiyay wafdiga Soomaaliya uga qeybgalay shirka 47aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka furmay Magaalada Niamey ee Caasimadda Dalka Niger.

Shirka ayaa halku dhiggiisu yahay (Midowga la dagaalanka argagixisada ee Nabadda iyo Horumarka) si loo caddeeyo sida ay uga go’an tahay dowladaha xubnaha ururkani la dagaalankooda argagixisada iyo xag-jirnimada fog si loo gaaro himilooyin horumarineed.

Hadal uu shirka ka jeediyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay ujeeddooyinka iyo mabaadiida Ururka Iskaashiga Islaamka si loo ilaaliyo nabada iyo amniga caalamiga ah, iyo waliba dadaallada ay ku dooneyso in wadamada xubnaha ka ah ay ku gaaraan horumar.

Wasiiru dowluhu ayaa waxa uu ka qeybgalayaasha shirka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan soo celinta amniga iyo xasilloonida, isagoo muujiyay guulaha ballaaran ee ay dowladdu ka gaartay dib u soo nooleynta dhaqaalaha dalka iyo sidoo kale wax ka qabashada xaaladaha xuquuqda aadanaha.

Dhanka kale, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu kulamo docoleed la xiriiray xiriirka labo geesoodka iyo wax wada qabsiga uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Turkiga, Mudane Mevlüt Çavuşoğlu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Islaamiga ee Pakistan, Mudane Shah Mahmood Qureshi, Wasiiradda ugu xil-saaran Arrimaha Jaaliyadaha Wasiirka Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Afrika iyo Jaaliyadaha ee Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Morooko, Marwo Nezha El Ouafi, Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Dr. Yousef Al-Othaimeen, iyo Madaxda wufuudda dowlado aanu walaalo iyo saaxiibo nahay oo ay ku jirtay Dowladda Qatar.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...