Janaale (Halqaran.com) – Saraakiisha Ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya ee Gobolka Shabellaha hoose ku sugan, ayaa waxa ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.
Sarkaalka la qabtay ayaa la sheegay in lagu soo qabtay hawlgal laga sameeyay duleedka deegaanka Janaale, halkaasi oo ciidamada Xoogga dalka shalay dhaq dhaqaaq ay ka sameeyeen.
Saraakiisha hawlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas lagu qabtey Madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo magaciisa ay ku sheegeen Xasan Suleyt oo loo yaqaano (Xasan Ganeey).
Taliyaha Ciidamada dhulka Cabdixamiid Dirir oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Sarkaalkaasi.
Waxa uu sheegay xaaladda Janaale & nawaaxigeeda inay tahay mid aad u wanaagsan, islamarkaana Ciidamada Xoogga dalka Somaliya si wanaagsan isku dhex galeen Bulshada deegaanka.
Ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay dhaq dhaqaaq Ciidan ka wadaan deegaano hoostagga Janaale, halkaasi oo ay doonayaan inay weeraro ku qaadaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






