Beledweyne (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa in Arbacada maanta ah garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif laga dajiyay diyaarad siday ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa Kumaandooska Gorgor, kuwaa oo laga qaaday Magaalada Muqdisho.
Ciidamadan ayaa waxaa Garoonka Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka qeybta 27aad, waxaana la geeyay goobo gaar ah oo loo sii diyaariyay.
Sidoo kale, wararka ay helayso HalQaran News ayaa sheegaya, in Ciidamadan loogu talo galay inay ka qeyb qaataan xorreynta deegaannada Gobolka Hiiraan, isla markaana howlgallo ay ka bilaabi doonaan deaannada moqokori , Ceel cali iyo Degaano kale oo Al-Shabaab ku sugan yihiin.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in maalmaha soo socda ay ciidamo horleh u diri doonto Gobolka Hiiraan oo intiisa badan laga saaray gacanta Al-Shabaab si ay uga qeyb qaataan xorreynta deegaannada ay ku harsan yihiin.
Si kastaba, waxa aheyd dhowr jeer oo hore oo ay dowladda Soomaaliya Ciidamo farabadan u geeysay deegaanno iyo degmooyin ka kala tirsan gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, kuwaas oo deegaanno badan ka saaray Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com