Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

DF Somaliya oo Dacwad cusub ka gudbisay Kenya, ‘‘Sharciga caalamiga ah ayay ku xad-gudubtay‘‘!

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay in ay ku xad-gudubtay sharciga caalamiga ah ee duulista hawadda kadib markii diyaarad ka soo duushay Magaaladda Nairobi ay si toos uga degtay magaalada Kismaayo.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka ayaa qoraal u dirtay Hay’adda duulimaadyada rayidka ah ee Qaramadda Midoobay ee ICAO, kaasi oo loogu dacwoonayay Talaabadda Kenya ay qaaday.

Diyaaradii Sabtidii ka degtay magaalada Kismaayo oo nooceedu ahaa F/50 ayaa la sheegay in shatiga ay isticmaashay laheyd shirkadda Jubba Airweys, iyadoo uu lahaa diyaaradan ganacsade Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Warar hoose oo ay haleyso mareegta Halqaran.com ayaa sheegaya in diyaaradaan ay sidoo kale wafdi ka soo qaadi doonto Magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland, si ay kaga qeyb galaan Caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...