Sh/Dhexe (Halqaran.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in illaa 40 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay, tiro kalana lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Cali Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta, howlgalka ayaa waxaa iska kaashaday Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah.
“Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu beegsaday xubnahaan Al-Shabaab ah xili ay isku abaabulayeen dhulka keymaha ah ee ku yaala deegaankaan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta.
“Howlgalkan ayaa qayb ka ah qorshaha Al-Shabaab looga saarayo dalka oo dhan, isla markaana lagu joojinayo dhaqdhaqaaq kasta oo ay isaga gudbi karaan meelaha ay haraadiga ku yihiin wali.”
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay u mahadcelinayso shacabka Soomaaliyeed ee qaybta ka ah dagaalka Al-Shabaab iyo saaxiibada caalamiga ah.
Sidoo kale, DF Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhallinyarada ku jirta Al-Shabaab inay isa soo dhiibaan, ayna gacan furan ku soo dhowayso kuwa kasoo baxa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





