Saturday, May 16, 2026
29.9 C
Mogadishu

UPDATE: ”Degmada Awdheegle waxay ku jirtaa, kuna jiri doontaa gacanta dowladda Somaliya” waxa sidaa yiri…

Awdheegle (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraaahim Aadan Cali (Najax), ayaa ka hadlay weerarkii fashilmay ee maanta maleeshiyada Al- Shabaab ku qaadeen Degmada Awdheegle.

Weerarkan ayaa ku bilowday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu soo weeraray saldhigga ay Ciicdanka Xoogga Dalka ku leeyihiin Degmada Awdheegle, waxaana xigay dagaal toos ahaa oo Shabaabku ku soo qaadeen saldhigga.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka hortagey Al- Shabaab oo ujeedkoodu uu ahaa inay cagta mariyan saldhigaasi.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ammaanay inay si wanaagsan kaga hortaggeen maleeshiyada Al-Shabaab, islamarkaana ay hub ka furteen.

”Weerar fashilmay oo khawaariijta Al-Shabaab ku soo qaadeen Degmada Awdheegle ayay Ciidamada Xoogga Dalka guulo waaweyn ka gaareen, iyadoo hub badan Shabaabka looga furtay dagaalka.” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Sidoo kale, wuxuu yiri, ”Waxaan u mahadcelinayaa Ciidamadeena Xoogga Dalka oo har iyo habeen u taagan daafaca dalka, dadka iyo diintooda. Sidoo kale waxaan bogaadinayaa shacabka iyo Maamulka Degmada Awdheegle oo garab taagan ciidamada.”

Guddoomiye Najax oo hadalkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxa uu intaa ku daray “Awdheegle waxay ku jirtaa, kuna jiri doontaa gacanta shacabka iyo dowladooda, Insha’Allah.”

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...