DEG DEG: Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho, (Ujeedka)!

Muqdisho (Halqaran.com) – Wafdi heer sare ah oo ka socda Qaramada Midoobay iyo Bankiga Adduunka ayaa la filayaa in dhawaan ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 12-ka bishan aynu ku jirno uu si rasmi ah Muqdisho u soo gaari doono wafdigan.

Ujeeddada booqashada wafdigan ayaa ah sare u qaadidda howlaha Bini-aaddan-nimada Soomaaliya, taageeridda nabadda iyo dedaallada horumarinta Dalka.

Sidoo kale, wafdigan ayaa waxaa uu socdaalkiisu salka ku hayaa sidii loo xoojin lahaa taageerada ay Beesha caalamku u fidiso Soomaaliya, wax ka qabashada arrimaha barakacayaasha iyo sidii xal loogu heli lahaa xaaladaha Bini’aaddan-nimo.

Wuxuu la kulmi doonaa wafdigan markii uu yimaado caasimadda Muqdisho, madaxda Soomaaliya iyo maamullada xubnaha ka ah, waxanay sidoo kale kulamo la qaadan doonaan hoggaamiyeyaasha dadka ka soo barakacy Abaaraha iyo shaqaaqooyinka.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com