Wararkii ugu dambeeyay Qarax khasaare geystay oo maanta ka dhacay Degmada Awdheegle

Awdheegle (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya degmada Awdheegle oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta uu halkaasi ka dhacay qarax geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa ayaa goobjoogayaal waxa ay sheegeen in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah, islamarkaana ay la qaraxday dad howlo geed jaris ah ka ka waday meel u dhaw fariisin ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin  gudaha degmada Awdheegle.

Inta la xaqiijiyay qaraxaas ayaa waxaa ku geeriyooday laba ruux oo uu ku jiray Nin Caan ka ahaa degmada Awdheegle kaas oo magaciisa lagu sheegay Axmed Sheekh Cali iyo Shaqsi kale oo ay shaqada ku wada jireen halka ay ku dhaawacmeen Shan ruux oo kale.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ku yaalla saldhig ay dhawaan halkaasi ka sameysteen Ciidamo ka tirsan kuwa Kunaandoosta Soomaaliya ee degmadaasi la wareegay, waxana la sheegay in dadka qaraxa lala eegtay ay wadeen howlo ay Geedaha uga jaraan agagaarka saldhiga.

Ilaa iyo hadda kama hadlin qaraxaasi saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmada Awdheegle iyo kan Maamulka degmada.

Waana qarixii labaad ee ka dhaca degmada Awdheegle tan iyo markii ay la wareegeen ciidamada Dowladda, iyada oo kan kii ka horeeyay uu ahaa ismiidaamin lagu weeraray Saldhiga Ciidamada Dowladda.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com