Baydhabo (Halqaran.com) – Kulanka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta dhacay Caasimadda ku meel gaarka ah ee magaalada Baydhabo.
Shirka oo uu Guddoominayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin xaaladaha guud ee amniga iyo qaban-qaabada soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha Dalka oo lagu wado in uu Maalmaha soo socda halkaasi booqdo.
Wasiirka amniga Koonfur Galbeed, Isaag Cali Subag, ayaa ugu horrey laga dhageystay warbixin ku aaddan nabad gelyada guud ee Gobollada Koofur Galbeed Soomaaliya.
Mr. Subag, ayaa sheegey in Ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa Darawiishta ee maamulkaasi ay wadaan howlgallo lagu baacsanayo haraadiga Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee dhuumaalaysiga ku jira.
Wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta ee maamulka Koofur Galbeed Ugaas xasan Cabdi Maxamed, ayaa isna ka hadlay halka ay marayso qaban-qaabada loogu jiro soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha Dalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo lagu wado in uu Baydhabo booqdo marka uu soo xirmo shirka haatan ka soconaya magaalada Dhuusamareeb.
Ugaas xasan Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Kheyre iyo wafdigiisu ay booqan doonaan qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellada hoose, si uu ugu kuur galo xaaladaha guud ee deegaannadaasi.
Waxaa aad loo adkeeyay amniga magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi laga dareemayaa qabanqaabada iyo diyaar garoowga xooggan ee loogu jiro imaanshaha Ra’iisul wasaaraha dalka, mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo Maalmaha soo socdo lagu wado in uu halkaasi gaaro.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com