Sunday, May 3, 2026
28.7 C
Mogadishu

Dawladda Soomaaliya oo ka Qeyb gashay Shirka Baarlamaanka Adduunka (Maxaa looga Hadlay?)

Muqdisho (Halqaran.com)- Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar ayaa Maanta waxaa si rasmi ah ugu furmay Shirka 7aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka.

Shirkan ayaa waxaa isla shir-Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shuurada Qatar, Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka (IPU) iyo Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuq maasuqa (GOPAC).

Dhinaca kale Soomaaliya waxaa shirkaan uga qeyb-galaya wafdi heer sare ah oo uu Hoggaaminaya Gaddomiyaha golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya,mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka dalka.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku suganyahay Dalka Qatar ee Magaalada Dooxa,waxa uu shirar gooni gooni ah oo la qaadan doona Madaxda ka soo qeyb gashay shirkaan caalamiga ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...