Sunday, May 3, 2026
28.7 C
Mogadishu

Dagaal xoogan oo ka dhacay maanta Gobolka mudug & Khasaaro ka dhashay Dagaalkaasi

Muqdisho (Halqaran.com)- Wararka ka imaanaya Gobolka mudug ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka dhacay Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed.

islamarkaana waxa ay wararku sheegayaan in uu jiro Khasaaro xoogan uu ka dhashay dagaaladaasi dib ugu qarxay deegaanada lagu kala magacaabo Tawfiiq iyo Afbarwaaqo.

Dagaalkan ayaa ah mid aad u xooggan sida ay inoo sheegeen dad ku dhow halka uu ka dhacay, wuxuuna xooggiisa ka dhacay deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug, waxaana la maqlayay rasaas aad u culus.

Dagaalkan oo saakay dib uga qarxay duleedka deegaanka Towfiiq ayaa sababay dhimashada in ka badan 20 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah iyo dhaawacyo intaas ka badan.

Dadkii ku dhaawacmay dagaalkaasi ayaa loo kala qaaday isbitaalada magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garacad, waxayna labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamaya ka soo kala jeedaan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Sido kale Wararkii ugu danbeeyey ee aan ka heleyno goobihii ay saakay ku dagaalameen labadaas beelood ayaa waxay sheegayaan ee duhurnimadii maanta uu yara istaagay dagaalka xoogiisa.

Dowladda federaalka oo ka hadashay dagaalkan ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay iyadoo ugu baaqday dhinacyada isku haya halkaas inay ka baaqsadaan dhiiga daadanaya, waxuuna Afhayeenka wasaaradda warfaafinta oo u hadlay dowladda uu sheegay in la diyaarinayo ciidamo isku dhaf ah oo loo dirayo daminta colaadaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...