London (Halqaran.com) – Magaalada London ee dalka ingiriiska waxaa lagu soo geba-gabeeyay shirka horumarinta Arrimaha waxbarashada, kaas oo muddo lab cisho ah socday, isla markaana looga hadlayay horumarinta iyo saro u qaadida waxbarashada.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay madax farabadan oo ka socota dalalka Caalamka, waxaana Soomaaliya uga qeyb galay wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
Inta uu shirka socday ayaa waxaa looga dhawaaqay lacag dhan 5 Bilyan oo Dollar, taas oo lagu horumarinayo Waxbarashada 90 dal oo ay Soomaaliya ku jirto, sida uu Goobta shirka kaga dhawaaqay Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Britain.
Qaar kamid ah madaxda ka qeyb gashay shirka ayaa aad u soo dhaweeyay lacagta Shanta Bilyanka ah ee loogu deeqay, taas oo loogu talo galay in dalalka waxbarashadooda liidato lagu hormariyo, iyaga oo sheegay in lacagtaas sidii loogu talo galay ay u isticmaali doonaan.
RW Rooble oo weli ku sugan magaalada London ayaa halkaasi waxaa uu ka wadaa kulamo kala duwna oo uu la qaadanayo Madaxda ka qeyb gashay shirka horumarinta Arrimaha waxbarashada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





