Mudug (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya, in dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada DF Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo xubsno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaannada Miiroon iyo Eryaale oo u dhow deegaanka Qeycad ee gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkan uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug, Danab iyo Ciidamo uu wato Generaal Saadaq Joon ay weerar ku qaaday Deegaannadaas, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen in weli dagaalka uu socdo, isla markaana khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen Ururka Al-Shabaab.
Warar ayaa sheegaya in ciidamada iskaashanaya ay la wareegeen deegaananda Miiroon iyo Eryaal oo ah deegaanada ka sokeeya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





