Wednesday, October 29, 2025
26.6 C
Mogadishu

Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Baay & Wararkii ugu dambeeyay

Daynuunay (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bay ayaa sheegaya in  dagaal cusub uu ka dhacay deegaanka Daynuunay oo fariisin ay ku leeyihiin ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa waxa uu billowday, kaddib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimaha ciidanka, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ka soo gaaray iska hor-imaadka.

Ciidanka Dowladda ayaa illaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ka dhaawacmeen saddex askari.

Ururka Al-Shabab ayaa iyana la rumaysan yahay inuu khasaare dhankooda ka soo gaaray dagaalka, inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn tirada khasaaraha soo gaaray .

Dad goobjoogayaal madax-banan oo Daynuunay ku sugan ayaa xaqiijinaya in ciidanka Dowladda ay ka baxeen xerada, waxaana gacan ku haynta goobta la wareegtay Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay isku uruursanayeen duleedka deegaanka Daynuunay ee gobolka Baay. Lama oga inay ka baxayaan xerada Daynuunay iyo inay sii joogayaan.

Ugu dambeyn, Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay wadaan daddaallo ay dib ugu laabanayaan fariisinka xerada Daynuunay oo 25 kilomitir u jirta magaalada Baydhabo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...