Thursday, March 12, 2026
26.7 C
Mogadishu

Dagaal khasaaro gaystay oo ka dhacay Gobalka Hiiraan&faahfaahino dheeraad ah oo laga helayo Deegaanka

Beledweyne(Halqaran.com) – Wararka naga soo gaarayo deegaanka  Ceel-Cadde ee gobalka Hiiraan, ayaa sheegaya in dagaal uu ku dhexmaray dadka deegaanka iyoCiidamada ka tirsan dowladda oo isku dhinac ah iyo ururka alshabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubna ka tirsan ururka alshabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada macwisleyda ah ay ku lahaayeen deegaanka  Ceel-Cadde.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana wararka ay sheegayaan in ay jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka jira deegaanka.

Isgaarsiinta degaanka ayaa go,an taasi oo adkeyneeysa in warar sax ah laga helo khasaaraha ka dhashay dagaalka, inkastoo la sheegaya in Al-shabaab ay gubeen dhawr Guri oo degaanka ah.
Maamulka gobalka Hiiraan iyo kan Hirshabeelle, ayaanan weli wax war ah oo rasmi ah ka soo saariin dagaalka  Ceel-Cadde ku dhexmaray ururka alshabaab iyo ciidamada macwisleyda oo kaashanaya kuwa dowladda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...