Saturday, March 14, 2026
26.6 C
Mogadishu

Deni oo magacaabay Taliyaha iyo Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta.

Garoowe(Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 48 ee 31-da Agoosto 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Guud iyo Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa S/Gaas Abshir Cabdi Jaamac (London) loo magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland.
  2. Waxaa S/Guuto Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland.
  3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...