Thursday, April 30, 2026
28.5 C
Mogadishu

Dagaal ka dhacay degmada Dhoobley & Wararar kala Duwan oo ka Soobaxaya Dagaalkaasi.

Dhoobley(Halqaran.com) – Dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar ku qaaday saldhig ay ciidama ka tirsan maamulka Jubaland ku leeyihiin deegaanka Dhoobleey ee gobolka Jubada hoose.

Afhayeenka wasaaradda amniga gudaha ee Jubaland ayaa xaqiijiyay khasaaraha dhankooda ka soo gaaray weerarka, wuxuuna sheegay in laga dilay hal askari, isla markaana uu gubtay baabur ay lahaayeen Ciidanka Jubaland.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalkan ayaa sheegatay inay ku dishay askar ka tirsanaa ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ee ku sugnaa saldhigga uu dagaalka ka dhacay, sidoo kalena ay ka soo furteen saanad milatari, sida ay hadalka u dhigeen.

Al-shabaab ayaa marar kala duwan sidaan oo kale waxaa ay weeraro geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ugu qaadeen Saldhigyo Ciidanka Maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka ay ku leeyihiin degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...