Tuesday, April 21, 2026
29.9 C
Mogadishu

Xeerilaaliyaha guud ee Dalka oo War kasoo saaray Kiiska Ikraan Tahliil .

muqdisho(Halqaran.com) –Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Gen Cabdullaahi Buule Kameey ayaa sheegay in hogaanka NISA lagu waayay wax caddayn ah oo muujinaya ku lug lahaanshaha Kiiska Ikraam Tahliil.

 

Waxaa uu sheegay in baaritaan ay ku sameeyeen Saraakiil ka tirsan NISA oo  uu qayb ka yahay Taliyihii hore ee hay’adda nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Dahir iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale oo haray loogu eedeeyay in ay ku lugleeyihiin kiiska Marxuumad Ikraan tahliil Faarax oo ahayd Sarkaalad ka tirsanayd Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Sido kale waxaa uu sheegay Cabdullahi Buulle Kameey in mas’uuliyiinta iyo shaqsiyaadka lagu tabayay Kiiska aysan helin caddeymo ama ifi-faalo muujinaya in ay qayb ka ahaayeen dilkii Ikraan.

Gen Kameey ayaa sheegay in hay’adda NISA ay si hufan ula shaqeeyeen inta ay wadeen baarista Kiiska Ikraan Tahliil.

Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in Guddigu ay codsanayaan in cid waliba oo kiiska ikraan tahliil faarax wax caddeymo ah ka haysa ay guddiga la wadaagto,si uu ugu fududaado baaritaankoodo.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...