Saturday, April 11, 2026
28.5 C
Mogadishu

Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Agaasimihii Radio Muqdisho

muqdisho(Halqaran.com) –Wasiirka wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Obokor  Dubbe  ayaa ka tacsiyeeyay Geeridi ku timid alle ha unaxariistee  Agaasimihii Radio Muqdisho  Cabdicasiis Maxamuud Guuleed oo xalay u geeriyooday Qarax lagu  weeraray Gaari uu saarnaa.

“ Waxaa wasaaradda warfaafinta la soo gudboonaatay geeri naxdin badan waxaa qarax ay soo maleegeen cadowga lagu dilay Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed, waxaa sidoo kale dhaawac ah ah agaasimaha TV-ga Qaranka, waa geeri naxdin iyo dhaawac naxdin leh,”a yuu yiri Wasiir Dubbe.

Sidoo kale, Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa tacsi u diray, qoyska, asxaabta iyo dhammaan bahda saxaafadda uu ka baxay  Cabdicasiis Afrika oo dowr muhiim ka soo qaatay nabada iyo horumarka dalka.

Alle ha u naxariistoo Cabdicasiis  wuxuu ahaa saxafi howlkar ah iyo halyey qaran oo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba ugu soo shaqeeyay si geesinimo iyo hagar la’aan ah.

Naxariistii janno Allaha ugu deeqo annagana samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...