Saturday, May 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Dagaal dhexmaray Ciidanka Jubbaland iyo Al-Shabaab & Wararkii ugu dambeeyay

J/Hoose (Halqaran.com) – Dagaalkaan oo u dhaxeeyay Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland oo wada jira iyo Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni oo kamid ah deegaannada hoostaga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkan uu yimid kaddib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland oo wada howlgallo amniga lagu xaqiijinayey ay weerar kala kulmeen Xubno katirsan Al-Shabaab, sida ay sheegeen Saraakiil katirsan Ciidamada Jubbaland.

Dad ku sugan deegaanka Baar-Sanguuni halkaas oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay Saldhig ku leeyihiin ayaa waxaa ay sheegeen in uu jiro dagaalkaas, hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Wararkii ugu dambebeeyay aan ka heleyno deegaanka Baar-Sanguuni iyo deegaannada ku dhow dhow ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay wadaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...