Thursday, November 13, 2025
26.1 C
Mogadishu

Dadkii ku dhintay Bannaanbaxyadii ay dhigeen Xisbiyada Mucaradka Somaliland oo maanta la aasay

Hargeysa (Halqaran.com) – Waxaa Maanta Khabuuraha Halleeya ee magaalada Hargeysa lagu Aasay Saddex ka mid ah dadkii ku dhintay bannaanbaxyadii rabashadaha watay ee looga soo horjeeday xukuumadda Somaliland, kuwaas oo toddobaadkii hore Xisbiyada mucaaradka ka sameeyeen Magalada Hargeysa iyo deegaannada Somaliland.

Xisbiga Waddani oo ka mid a xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa Aaska u sameeyay Saddexda dhallinyarada ahaa ee banaanbaxa ugu dhintay rasaas ay ku fureen ciidamada Somaliland , kadib markii Xukuumadda Somaliland ay ogolaatay inay bixineyso magta dadkaas.

Aaka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka Somaliland, taageerayashooda, Ehellada dhalinyarada dhintay iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Hargeysa.

Musharraxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro & Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Feysal Cali Waraabe ayaa qoyskooda iyo saaxiibadood uga tacsiyadeeyay dhalinyaradii ku dhintay bannaanbaxyadii dhacay, iyaga oo Alle uga baryay in uu alle Naxariistii jano ka waraabiyo.

Sidoo kale, waxaa ay sheegeen inay aheyd wax aad looga xumaado wixii ka dhacay magaalada Hareysa iyo guud ahaan Somaliland xilligii ay socdeen bannaanbaxyada, isla markaana ay dib uga hadli doonaan.

Todobaadkii hore ayaa banaanaxyo ay soo abaabulaan Xisbiyada mucaaradka Somaliland loogana soo horjeeday Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo mucaaradka ay ku eedeeyeen in uu doonayo muddo kororsi, waxaana bannaanbaxyada ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...