Capetown (Halqaran.com) Xarunta Baarlamaanka dalka Koonfur Afrika ee ku yaalla magaalada waxaa la sheegayaa inuu ka kacay dab xooggan,Shaqaalaha dab damiska ayaa ku howlan yihiin sidi dabkaasi ay u xakameyn lahayeen.
sido kale Dabka oo ka kacay dabaqa seddexaad ee dhismaha baarlamaanka ayaan weli la sheegin dabka waxa uu ka kacay.
Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyeyna waxaa laga dheehanayaa qiiq cirka isku shareeray oo dhismaha baarlamaanka ka baxaya.
ugu dambeyn Dabkaan baarlamaanka Koonfur Afrika ka kacay ayaa ku soo beegmaya saacada un kaddib markii kaniisadda Cathedral ee aan dhismaha baarlamanka ka fogeyn lagu aasay Desmond Tutu.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





