Muqdisho(Halqaran.com) –Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Maamulka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa ku dhawaaqay inuu xilkii uu haayay iska Casilay, sida uu ku xaqiijiyay Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee uu ku leeyahay Facebook.
Guuleed Saalax ayaa waxaa uu sheegay in Warqadiisa Is-casilaada ah uu u gudbiyey xubnaha Guddiga KMG doorashooyinka Puntland iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka, wuxuuna sheegay inuu qorsheynayey inuu kasii mid ahaado Guddiga doorashada, balse uu go’aan ku gaaray inuu xilka iska Casilo.
Hoos ka akhri qoraalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





