Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XF Soomaaliya, Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur ayaa sheegay in waxkasta oo la sameeynayo xilligaan ay ka horreeyaan in la sugo ammaanka dalka.
Wasiirka oo hadal ka jeedinayay kulan ay soo qaban qaabisay wasaaradada arrimaha gudaha oo looga arrinsanayay sidii dadka Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa tiri koob sax ah ayaa sheegay in aysan nolol jirin illaa ammaan la helo.
Sidoo kale, wasiir Mukhtaar Roobow ayaa qiray in tira koob lagu sameeyo dadka Soomaaliyeed ay muhiim u tahay nabad geliyada iyo hiigsiga dowladnimo ee dalka.
Wasiir Roobow ayaa ku baaqay in qof walba uu ka qeyb qaato sidii amniga dalka loo sugi lahaa.
Halka hoose ka Daawo muuqaalka hadal jeedinta Wasiir Mukhtaar Roobow:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com