Thursday, May 21, 2026
30.9 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Gabar yar oo 7 jir ah oo si arxan darro ah loogu dilay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) –  Waxaa faah-faahin dheeraad ah kasoo baxaya dhacdo xanuun badan oo ka dhacday xaafadda Wajeer oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, taasoo ka dhalatay dil arxan darro ahaa oo loo geystay gabar 7 sano jir aheyd.

Nasro Cabdifitaax Abuukar oo lagu magacaabi jiray marxuumadda ayaa la sheegay in dishay haweeney ay shaqaale u aheyd, taas oo ay soo xireen ciidamada ammaanka.

Ehellada gabadha yar ee la dilay ayaa warbaahinta u sheegay in markii hore loo sheegay in gabadhooda ay ku dhacday musqusha, kadibna ay sidaas ku geeriyootay, balse waxa ay tilmaameen in arrintaasi aysan waxba ka jirin, islamarkaana la dilay gabadhooda yar.

Aabaha dhalay Gabadha yar oo lagu macaabo, Aabe Cabdifitaax Abuukar Cali oo la hadlay RTN Soomaali TV ayaa sheegay in gabadha yar jirkeeeda uu ka muuqday dhaawac ka dhashay jirdil xoogan oo loo geystay.

Wuxuu kaloo xusay, Aabe Cabdifitaax Abuukar, in gabadhiisa yar saaka kaliye dhib loo geysan, balse jir dil aad u badan uu jirkeeda ka muuqdo.

Halka hoose daawo Muuqaalka warbixinta gabadha yar ee la dilay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...