Monday, May 25, 2026
28.9 C
Mogadishu

ARAG SAWIRO: Wararkii ugu dambeeyay Dhuusamareeb iyo Ergada reer Cadaado oo maanta gaaray halkaasi.

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ergada degmada Cadaado uga qayb galaysa shirka dib u heshiisiinta beelaha Gobolka Mudug ee dhawaan furmi doona ayaa gaaray xarunta dowlad goboleedka Gobolka Mudug ee magaalada Dhuusamareeb.

Wafdigaan oo ka kooban hoggaamiyayaasha bulshada iyo odayaal dhaqameed, waxaa halkaaasi si diirran ugu soo dhoweeyey xubno ka tirsan Guddiga Qabanqaabada Shirka dib u heshiisiinta, Waxgarad, ergadii Horay Dhusamareeb u gaartay iyo bulshada Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb qaybaheeda kala duwan.

Xubnaha ergada Cadaado ee maanta gaaray magaalada Dhuusamareb ayaa la dejiyay halkii loogu talagalay waxayna ka mahadceliyeen sida diirran ee loo soo dhaweeyay iyo sida ay ugu soo diyaargaroobeen ka qaybgalka shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Gobolka Mudug.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga dareemayaa qaban qaabadii u dambeysay ee shirka dib u heshiisiinta Galmudug, waxaana horay halkaasi u tegay inta badan ergada, iyada oo Xubnaha gudiga ay sheegeen in shirkaasi uu dhawaan furmi doono.

Ergada reer Cadaado ee maanta tagay magaalada Dhuusamareeb ayaa horay u diidanaa tagitaanka Magaaladaasi iyo ka qayb galka shirka dib u heshiisiinta Dhuusamareeb.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...