Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa ayaa fiidkii caawa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ka tagey Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa ka degay Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb.
Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Madaxda Galmudug, Wasiirada Dowladda Federaalka ee ku sugnaa magaalada, Saraakiisha Ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Wafdiga Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa soo dhawaynta ka dib waxaa maqribnimadii loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Dhuusamareeb, halkaasoo ay caawa ku hooyanayan.
Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta Arbacada uu Magaalada Dhuusamareeb ka furo shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha degga Galmudug.
Masuuliyiinta Dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa horey u sheegay in Ra’iisal Wasaare Khayre uu Dhuusamareeb ugu soo laabanayo, sidii uu u dhameystiri lahaa qorshaha xukuumadiisa ee horumarinta Galmudug.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com