Monday, May 25, 2026
26.2 C
Mogadishu

XOG XASAASI: Odayaasha Cadaado oo kulan xasaasi ah isugu yimid, mowqifna ka qaatay shirweynaha Dhuusamareeb! (Ogow Wax badan?)

Cadaado (Halqaran.com) – Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Cadaado ayaa waxay maanta kulan xasaasi ah ay ku yeesheen maagaaladaasi, iyagoona mowqif adag ka qaatay shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug.

Shirweynaha ayaa waxaa maalinta Arbacada lagu wadaa in uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, waxaana beelaha loo qabanaya shirweynahan, ka hor Doorashooyinka Madaxtooyada & Baarlamaanka Galmudug.

Odayaasha Dhaqanka Cadaado oo kulanka ay kala qaybgaleen waxgaradka ku dhaqan magaaladaasi ayaa waxay ka soo saareen inaanay iyagu ka qaybgeli doonin shirweynaha, illaa iyo inta laga xalinayo cabashada ay qabaan.

Odayaasha Dhaqanka ayaa waxay sidoo kale sheegeen inaanay jirin cid ku meteleysa shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug, isla-markaana ay iyagu ku sugan yihiin Magaalada Cadaado.

War Saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen inaanay waxba u qabin beelaha ballaaran ee degga Deegaanada Galmudug, balse ay wax ka tabanayan Dowladda Federaalka Somaliya, oo dhegaha ka fureysatay cabashadooda.

Reer Cadaado ayaa iyagu Dowladda Federaalka ka dalbanayay in shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug lagu qabto Magaalada Cadaado, inkastoo ay Dowladda Federaalka mudnaanta u aragtay Magaalada Dhuusamareeb.

Si kastaba, go’aanka ka soo baxay Odayaasha Dhaqanka & waxgaradka reer Cadaado ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, xilli maalintii shalay ay Magaalada Dhuusamareeb gaareen xubno la sheegay inay yihiin Ergadii reer Cadaado ku meteleysay shirweynaha.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
halqaranews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...