Monday, April 20, 2026
31.6 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Qado sharaf maanta Garoowe loogu sameeyay Odayaasha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

Garoowe (Halqaran.com) – Odayaasha Dhaqanka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) oo maalmahaanba booqasho ku joogay Magaalada Garoowe ayaa Sabtidii maanta qado sharaf loogu sameeyay magaaladaasi.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ahna Kusimaha Madaxweynaha, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa Odayaasha Dhaqanka qado sharaftan ugu sameeyay meel bannaanka ka yara ah Magaalada Garoowe.

Axmed Karaash ayaa waxaa kulankan qado sharafta ah ku wehlinayay Wasiiro, Xildhibaano iyo Hoggaanka Dhaqanka Puntland.

Odayaasha Dhaqanka ee DDSI oo uu hoggaaminayo Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool ayaa maalintii Khamiista soo gaaray Magaalada Garoowe, iyadoo ujeedada ay u yimaadeen ay la xiriirto, sidii loo dhameen lahaa dadaalada lagu soo geba-gabeynayo xal u helidda dagaaladii dhawaan beelo walaalo ah ku dhex maray Deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool.

Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo boggaadiyay socdaalka Odayaasha DDSI ka yimid ayaa dhanka kale ku ammaanay, sida ay ugu soo gurmadeen joojinta dhiigga beelihii walaalaha ahaa ee ku wada dagaalamay Dhumay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...