DAAWO SAWIRRO: Galmudug oo maanta Xukun ku fulisay laba dhallinyaro oo kufsaday gabar yar

Guriceel (Halqaran.com) – Waxaa Sabtidii maanta maamulka Galmudug uu xukun karbaash ah ku fuliyay laba nin oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo lagu soo eedeeyay inay kufsi u gaysteen gabar.

Labadan nin ayaa waxaa la sheegay inay kufsiga ka gaysteen Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Ciidamada Ahlu Sunna oo raggaasi gacanta ku soo dhigay ayaa horkeenay Maxkamadda Ahlu Sunna, waxayna Maxkamadda ku xukuntay min boqol jeedal.

Xukunkan ayaa waxaa uu maanta ka dhacay Fagaare ku yaala Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, iyadoona ay dadweyne fara-badan isugu soo baxeen.

Nin Qaadi ah ayaa Fagaaraha ka akhriyay eedeynta loo soo jeediyay labadaasi nin, isagoo intaa ku daray in xukunkoodu uu yahay in midkiiba boqol jeedal lagu dhufto.

Intaasi kaddib, labadan nin ayaa xukunka lagu fuliyay. Waxaa xusid mudan in mid ka mid ahi raggaasi xukunkaasi lagu fuliyay, isagoo lugta bidix ka jaban.

Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu iminka isu diyaarinaya, sidii uu labadaasi nin kaga musaafurin lahaa Deegaanada Galmudug, muddo sanad ah.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com